Diini
Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa Nebigeenna Muxammad ﷺ u yimid nin reer baadiye ah, wuxuuna ku yiri:
“Rasuul Allow, Qur’aanka i bar.”
Nabigu ﷺ wuxuu Cali bin Abii Daalib (RC) u sheegay inuu ninka Qur’aanka baro.
Cali (RC), isagoo ilaalinaya ammaanadii Rasuulka ﷺ, ayuu si dhab ah ugu dadaalay inuu ninkaas Qur’aanka baro.
Maalin maalmaha ka mid ah, ninkii wuxuu gaaray Suuradda Az-Zalzalah (الزلزلة). Markii uu gaaray aayadaha:
فَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ خَيْرًا يَرَهُ ٧
وَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ شَرًّا يَرَهُ ٨
ayaa ninkii si lama filaan ah meesha uga baxay.
Cali (RC) waxa uu ninkii ka raadiyey meel kasta , maadaama uu u arkaayay amaanadii Rasuulka ﷺ u dhiibay.
Muddo ka dib, maalin Jimce ah, Cali (RC) wuxuu ninkii ku arkay masjidka. Wuu qabtay, wuxuuna ku yiri:
“War ninyahow! Soo adigii ardayga ahaa ee Qur’aanka lagu barayay ?”
Ninkii wuxuu ku jawaabay:
“Haa, anigaan ahaa.”
Cali (RC) ayaa ku yiri:
“Maxaa kugu dhacay? oo aad u tagtay marka !”
Ninkii ayaa yiri:
“Caliyow, markii aan maqlay: ‘Qofkii sameeya wax le’eg miisaanka qurub yar oo khayr ah wuu arki doonaa, qofkii sameeya wax le’eg miisaanka qurub yar oo shar ahna wuu arki doonaa,’ waxaan is iri: Qur’aanku intaas ayuu igu filan yahay oo wuu ii dhamaadayba .”
Kadib wuxuu yiri:
“Waxaan go’aansaday inaan camal falo: khayrka aan ku dadaalo, shartana aan iska dhaafo.”
🌿 Casharka sheekada
Mararka qaar qofku wuxuu u baahan yahay hal fariin oo qalbigiisa taabata si ay noloshiisa isu beddesho.
Khayrka ha yaraysan, shartana ha fududaysan.
Adiga sheeko ma haysaa?
Soo dir sheekadaada, waxaanu gelin doonaa dib u eegis ka hor daabacaadda.
Ra'yiga Akhristayaasha Reader Comments (1)