Qosol
Waxaa jiray nin oday ah oo aad u xariif ahaa. Suuqyada dadka badan ku kulmaan ayuu istaagi jirey waxa uuna dhihi jirey:-- "Ninkii Nebi Muxammad jeceyl safkaan ha soo galo." Hadalkan marka uu ku celceliyo, dadka oo dhan safka ayay soo geli jireen. Sababtu waxay ahayd in qofkii aan soo gelin loo arki karo inuusan Nebiga jeclayn, taas oo ceeb bulsho ah. Haddii qof uu sii socdo, odaygu wuxuu ku oran jiray: " Bal eega dadka aan Nebiga jecleyn, way baxayaan e! " Taasi waxay keeni jirtay in dhammaan dadka, ha ahaadaan odayaal, haween, dhalinyaro iskuulka ama jaamacadda u socda, ay si degdeg ah safka u galaan. Marka uu dadka safka geliyo, wuxuu bilaabi jiray wacdi iyo hadallo diini ah muddo yar ka dib, wuxuu soo saari jiray kartoon ama kiish, isagoo oranaaya "meeshaan qofkii aan salaadda jameeco ku tukanin yuusan waxba igaga radin , Gabadhii aan daahir ahayna yeysan waxba igaga ridin " tasoo keenaysa inuu nin walba wax ku rido si aanan looga arkin inuusan salaadda jameeco ku tukanin gabar walbana aan loo arkin inaysan daahir ahayn
============dhamaad=====================
maxa ka leedahay sheekadan "qeybta commentiga👇"
Adiga sheeko ma haysaa?
Soo dir sheekadaada, waxaanu gelin doonaa dib u eegis ka hor daabacaadda.
Ra'yiga Akhristayaasha Reader Comments (0)
Weli faallooyin ma jiraan. Noqo qofka ugu horreeya ee dhiibta ra'yigiisa.