An actor from Libya who played the role of “Wahshi” in the famous movie “The Message” had a very funny experience. He was a Libyan man named Ali Salim. Before becoming an actor, he
Actorka Reer Liibiya ee matalay doorka "WAXSHI" ee Musalsalka caanka ah ee (Risaala) (The Message) ayaa waxa qabsatay sheeko Qosol badan. Waa Muwaadin Reer Liibiya ah oo Magaciisa layidhaa CALI SAALIM, markiiisii hore ma ahayn Aktar Filimada jila, waxa uu ka shaqaynayay Hotelkii uu kusoo degay MUSTAFE CAQAAD, soosaaraaha (Producer) ka Musalsalka. CALI markii hore waa uu diiday in uu jilo doorka Waxshi, ugu danbayn se wuu ogolaaday. Sheekada Qosolka leh ayaa waxa ay tahay in markii uu Film ku soo baxay ee badi Waddamada Muslimka ah laga daawaday, in Hooyadii Guriga kasoo eriday kadib markii ay aragtay isagoo film ka ku dhex dilaya Nabiga (NNKH) Adeerkii XAMSE, gurigiina uu ku noqon kari waayay illaa Culimadii iyo Odayaashii Magaaladu u tageen Hooyadii oo la fahamsiiyay in uu jilaa ahaa oo aanu inankeedu Xamse dilin, xataa lala hadashiiyay ninkii matalaayay doorka Xamse. 😂🙈

Adiga sheeko ma haysaa?

Soo dir sheekadaada, waxaanu gelin doonaa dib u eegis ka hor daabacaadda.

Add story

Ra'yiga Akhristayaasha (0)

Weli faallooyin ma jiraan. Noqo qofka ugu horreeya ee dhiibta ra'yigiisa.

Liiskaaga

Wali waxba kuma jiraan.

Is diiwaangeli

Noo sheeg sababta