Qosol
Mid Ciyaalka xaafada ah oo tabliiq raacay baa lagu qoray inuu ka wacdiyo masjidka salaadda kadib, Xarfaankan aqoontiisa diini ma badneyn, waase la qasbay markuu soo istaagey ayuu wacdigi ku bilaabey sidaan:
"Akhyaarey diinteena inaba caadi maaha, Ilaahey naxariistiisana maba dhamaaneyso adinkaaba yaabeysiin, laakiin waa idin tuugaa danbiga aan gab ka dhahno, ajirkana sidey tahay ugu yaacno.!
xarfaaneey waa inaad adkeysatiin oo xaliimo raadiska ka dhacdiin, aakhiro waxa idinkaga horeeyo bajaqyaal holac ah, laakiin hadaad marax ku noqotiin diinta... ogaada in Ilaaheyna idinku daadinaayo, oo cadaab roob idin kaga dhigayo, ee waa idin baryaayaa aynu caadiiska dhigno!
kuwi loo wacdinayey ayaa qosol kala joojin waayey.. Markaasuu intajoojay wacdigi ku yidhi: "xarfaaneey ha idin macaato Jannada!
Waana ka dhaqaaqey isagoo leh
"Anagaaba dhoorayeel waat isaga luminey..
Adiga sheeko ma haysaa?
Soo dir sheekadaada, waxaanu gelin doonaa dib u eegis ka hor daabacaadda.
Ra'yiga Akhristayaasha Reader Comments (0)
Weli faallooyin ma jiraan. Noqo qofka ugu horreeya ee dhiibta ra'yigiisa.