Qosol
Nin ayaa yiri Aniga iyo xaaskayga 25 sano ayaan is qabnaa maalina isma khilaafin.
Sababtoo ah markaan is guursanay xaaskayga 7da inta lagu jiray ayaan aadnay meel dalxiis ah waxay wadatay faras, xoogaa markaan soconay faraskii ayaa is ruxay oo way ka dhacday, xaaskayga way istaagtay faraskii ayey madaxaa ka salaaxday waxayna ku tiri waa markii kowaa ee mar labaad ha sameynin.
Hadana mar kale ayuu is ruxay xaaskayga way ka dhacday markaas ayey mar kale madaxa ka salaaxday waxayna ku tiri faraskii mar 3aad ha sameynin laakiin markii 3aad wuu is ruxay faraskii xaaskaygana way ka dhacday!
Boorsadii ay wadatay ayay bastoolad kala soo baxday faraskiina meesha ayay ku dishay
Markaas ayaan ku iri xaaskayga maxay tahay doqonimadan aad sameynaysid aqli la'aan ayaad tahay maxaa u dishay xayawaanka?
Xaaskayga way ii soo dhawaaday waxayna igu tiri waa markii kowad aad i caysid mar labaad ha sameynin.
Wuxuu yiri maalinkaas kadib mar labaad qald ma galin. πππππ
Adiga sheeko ma haysaa?
Soo dir sheekadaada, waxaanu gelin doonaa dib u eegis ka hor daabacaadda.
Ra'yiga Akhristayaasha Reader Comments (0)
Weli faallooyin ma jiraan. Noqo qofka ugu horreeya ee dhiibta ra'yigiisa.