Qosol
Oday reer baadiya ah ayaa u soo safray magaalada iyadoo lagu jiro bil Ramadaan ah waligiisna horey taraawiix meel lagu tukanaayo ma uusan arkin. Habeen isagoo suuga suuga ka adeeganaya buu is yiri masjidkaan cisho isaga tuko jamaacada ayuu la xirtay ileen taraawiix baa la tukanayey.
Odaygii isagoo yaaban buu dhameestay salaadi, masjidkii markuu ka soobaxay ayuu arkay 3 oday oo is-wareesanaya mid baa yiri war sicir barar baa dhacay ee sonkorti imisaad ku ogaydeen midbaa yiri 20 dolar markaas buu yiri hadda 40 ayay maraysa. Mid kale aya yiri oo baastada imisaad ku ogaydeen markaas buu mid kale u jawaabay oo yiri 10 dollar markaas buu yiri hadda 20 ayay maraysa.
Odaygii reer baadiyaha ahaa inta uu is celin waayey ayuu odayaashii is wareesanayay ku yiri waar salaadi cishaha imisa rakco ayaad ku ogaydeen markaas bay odayaashii oo yaaban u jawaabeen dee 4 rakco markaas buu yiri hadda 23 rakco ayay maraysa wax kastaba way kaceen. ๐
Adiga sheeko ma haysaa?
Soo dir sheekadaada, waxaanu gelin doonaa dib u eegis ka hor daabacaadda.
Ra'yiga Akhristayaasha Reader Comments (0)
Weli faallooyin ma jiraan. Noqo qofka ugu horreeya ee dhiibta ra'yigiisa.