🌙 What do you know about the origins of the names of the months that we use every day? The Gregorian calendar, named after Pope Gregory XIII, is the most widely used calendar in mu
🌙Maxaad ka ogtahay asalka ay kasoo jeedaan magacyada bilaha aan isticmaalno maalin kasta? Kalandarka miilaadiga ah, ee loo yaqaan Gregorian (oo loogu magac daray Pope Gregory XIII), oo ah kalandarka ugu ballaaran ee laga isticmaalo dunida inteeda badan maanta, waxa uu xambaarsan yahay oo uu si toos ah ula xiriiraa caqiidooyinkii iyo dhaqammadii Roomaankii hore. Bisha Janaayo waxaa loogu magac daray ilaaha Roomaanka ee Janus (Yaanuus). Janus wuxuu ahaa ilaaha albaabbada, marinada, bilowga, iyo dhammaadka. Waxa uu u ahaa Ilaah muhiim ah, oo waxa ay u arkayeen Ilaaliyaha wax kasta oo cusub. Sida sawirka kore ka muuqda waxa ay Roomaankii hore rumaysnaayeen in uu leeyahay labo weji, mid uu ku fiiriyo mustaqbalka iyo mid uu ku jalleeco tagtada. Jannayo oo keli ah ma ahan e Bilo badan oo kale oo ka mid ah kalandarka Gregorian ayaa sidoo kale loogu magac daray ilaahyo Roomaan ah ama dhacdooyin muhiim ah oo dhaqankooda iyo diintooda la xiriira. Sida bisha Maarso (March); waxa ay ugu magac dareen Mars, Ilaaha dagaalka ee Roomaanka. Waxay ku beegnayd xilliga ay dagaallada qaadi jireen. Bisha Febraayo (February) waxa magaceedu uu ka yimid ereyga Latin-ka ah ee (Februa) oo la macne ah (is-daahirin ama is-dhaqid). Waxa ay bishan sameyn jireen xaflado is-daahirin ah. Bisha Maajo (May): waxaa loogu magac daray Ilaahadda Roomaanka ee (Maia) oo ay rumaysnaayeen in ay tahay ilaahadda Bacriminta, koritaanka iyo barwaaqada. Iyo Bisha Juun (June) oo ay ugu magac dareen (Juno), boqoradda ilaahyada Roomaanka iyo xaaska Jupiter. Sidoo kale qaar bilaha ka mid ah waxa ay ugu magac dareen boqorro sida bisha Agoosto (August) oo ay ugu Augustas caesar, boqorkii ugu horreeyey ee boqortooyada Roomaanka. Waxaa xusid mudan in Kalandarkoodu uu ka bilaaban jiray bisha Maarso, gadaal ayeey Jannaayo iyo Febraayo kaga kordhiyeen, waxa ayna ugu talo galeen in Jannaayo oo ay ugu magac dareen, sida ay rumaysnaayeen, Ilaaha bilowga iyo albaabada in ay noqoto bisha kowaad ee sanadka. Inaguna waxa aynu u haysannaa in sidaas uu sanadku ku bilaaban jueay weligiis!!!. Roomaanku xilligan ay magacyadan bilaha u bixinayaan waxa ay ahaayeen Wathaniyiin aan diin haysan, markii ay diinta Kiristaanka qaateenna, dhaqammadii ay hore u haysteen in badan oo kamid ah iyaga oo ku dheggan ayeey diintii kiristaanka iyo dhaqammadoodii ba ay aad u faafiyeen, gaar ahaan markii ay dunida in badan oo ka mid ah ay ka talinayeen. Qaar badan oo innaga mid ah wax ay u dabaal degaan dhalashada sanadka cusub, iyaga oo aan ogayn in ay ku daba dhegan yihiin dhaqammo iyo cibaadooyin-diimeed (طقوس دينية) oo kasoo jeeda khuraafaad ay rumaysnaayeen Wathaniyiintii Roomaanka ahaa, oo xittaa diinta Kiristaanka soogalooti ku ah. ✍️ Abdalla Pajero

Adiga sheeko ma haysaa?

Soo dir sheekadaada, waxaanu gelin doonaa dib u eegis ka hor daabacaadda.

Add story

Ra'yiga Akhristayaasha (0)

Weli faallooyin ma jiraan. Noqo qofka ugu horreeya ee dhiibta ra'yigiisa.

Liiskaaga

Wali waxba kuma jiraan.

Is diiwaangeli

Noo sheeg sababta